Ruux Madaxa looga jiray oo Beledweyne lagu toogtay

Beledweyne-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay toogteen ruux la sheegay in Madaxa looga jiray.

Ninka Madaxa looga jiray ayay ciidamadu toogteen kadib markii uu soo aaday goob ay ciidamadu fariisin ku lahaayeen kadibna sidaasi ay rasaas ugu fureen.

Dad goob joogayaal ah oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay in ninka la dilay uu ahaa Qof Madaxa looga jiray.

Xaalada dilka uu ka dhacay ayaa hada waxa ay tahay mid degan inkastoo maamulka Beledweyne aysan wali ka hadlin dilka ay geysteen ciidamada dowladda.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa sidan oo kale horey waxa ay halkaasi ugu dileen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.