Deg Deg: Dab khasaare geystay oo ka kacay Warta-nabadda

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya degmada Warta-nabadda ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in Dab khasaare geystay uu ka kacay xaafada Laba Dhagax degmada warta nabadda.

Dabka ayaa la sheegay in uu sababay khasaare maaliyadeed oo uu baabi’iyey Guriga uu ka kacay dabka.

Dad goob joogayaal ah oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in dabka markiisa hore uu ku bilowday Koronto.

Gaadiidka dab damiska gobolka Banaadir ayaa waxa ay gaareen goobta uu dabka ka kacay waxaana ay ku guuleysteen in ay damiyaan dabka.