DHAGEYSO: Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlaya arimaha Qaxootiga

Kenya-RisaalaFM- Dowladda Kenya ayaa ku adkeysanaysa in ay xireyso xeryaha Dhadhaab ee Qaxootiga kuwaas oo ku yaala dalka Kenya oo ay ku jiraan kumanaan Qaxooti Soomaali ah.

Kenya ayaa aaminsan in falalka amaan daro laga soo abaabulo xeryaha Qaxootiga waxaana dowladda kenya ay horey ugu dhawaaqday in ay xeryahan xireyso oo dadka ku jirana dalkoooda lagu celin doono.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Axad ah waxa uu gaaray caasimada dalka Kenya ee Nairobi.

Ujeedada safarka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii Madaxda dowladda Kenya uu ugala hadli lahaa arimaha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma ee dalka Kenya.

Kenya waxa ay go’aan cad ku gaartay in ay xireyso Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya oo muddo 25-sano ah ay deganaayeen Dad Soomaaliyeed oo colaada dalkooda ka taagan ka cararay.