Maxaa ka jira in qof Coronavirus ugu geeriyoodey Isbitaalka Hargeysa?

Wasaarada horumarinta  Caafimaadka Somaliland, ayaa beenisey Warar sheegayay in Isbiitaalka Weyn ee Magaalada Hargeysa uu ku geeriyoodey qof qabay xanuunka COVID19.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan xanuunka ay qofkaasi oo Haweeney ahayd ay u geeriyootay, isla markaana ay dheecaankeeda ay u direen dalka dibadiisa si baaris loogu soo sameeyo.

Sidoo kale Agaasimaha waxaa hadalkiisa uu intaasi ku daray in qofka geeriyooday uu ahaa qof aad u xanuun sanayay oo dumar ahaa,isla markaana ay soo gudbiyeen Isbitaalada waaweyn ee Soomaaliland balse aan la dhihi karin in uu u dhintay Coronavirus ilaa la helo jawaabta baaritaanka laga qaaday.

Soomaaland ayaa laga helay kiisas dad qaba Cudurka Coronavirus,iyada oo la baaray 178 Ruux,hayeeshee qof ilaa iyo hadda Cudurka COVID-19 ugu geeriyooday deegaannada Soomaaliland.