Mareykanka oo Somalia ka caawinaya xakameynta COVID19

Wasiirka Caafimaadka, Dr. Fawziya Abiikar Nuur ayaa maanta kulan toos ah oo qadka internet-ka la qaadatay Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Donald Yamamoto & madaxda Hay’adda Mareykanka u qaabilsan Dhanka Horumarka ee (USAID).

Wasiirka ayaa Dowladda Maraykan-ka uga mahadcelisay dalaadallada ay ka wadaan Soomaaliya ee ku aadan COVID-19, sidoo kalena kala hadashay sidii ay gacan buuxda uga geysan lahaayeen gurmadka wax looga qabanayo cudurka COVID-19.

Dowladda Maryakan-ka ayaa balan qaaday in ay Soomaaliya ka caawin doonaan xakamaynta iyo xal u helidda cudurka COVID-19.

Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa sii kordhayay dadka u dhimanaya iyo kuwa laga helayo Cudurka Coronavirus,iyada oo Wasaaradda Caafimaadka ay shaacisay inay wado dadaalo looga hortagayo.