DHAGEYSO: Ciidamada Koonfur Galbeed oo howlgallo ka wada Bardaale

Bardaale-RisaalaFM- Wafdi uu hogaaminayay gudoomiyaha gobolka Baay C/rashiid C/laahi Maxamed ayaa waxa ay maanta gaareen degmada Bardaale ee dobolka Bay.

Ujeedada safarka wafdigan ayaa lagu sheegay in ay tahay ukuur galida xaaladaha ka jira degmada Bardaale iyo deegaanada hoostaga.

Taliye ku xigeenka ciidanka boliiska Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in hada degmada Bardaale ay tahay mid degan oo amnigeeda la isku haleyn karo.

Waxa uu sheegay in ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ay diyaar u yihiin sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin degmada Bardaale.

Dhowaan ayay aheyd markii ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo ururka Al-shabaab ay ku dagaalameen deegaan lagu magacaabo Buulo-xaawo oo oo u dhow degmada Bardaale.