DHAGEYSO: Siyaasi Cabdi Bare oo ka hadlay magacaabista uu sameeyay madaxweynaha Jubbaland

Madaxweyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa uu ku dhawaaqay Labada Madaxweyne ku xigeen ee maamulkiisa.

Labada madaxweyne ayaa waxaa loo kala magacaabay Maxamuud Sayid Aadan oo loo magacaabay madaxweyne ku xigeenka koowaad iyo Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Luga-dhere oo mar kale dib loogu magacaabay xilkiisii oo ahaa madaxweyne ku xigeenka Labaad ee Jubbaland.

Cabdi Bare Dhegey oo ah gudoomiye ku xigeenka degmada Garbahaarey kana mid ah Siyaasiyiinta gobolka Gedo isagoo la hadlayay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay in ay taagersan yihiin magacaabistii uu sameeyay madaxweynaha maamulka Jubbaland.