DHAGEYSO: Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo Caabudwaaq kula kulmay Odayaal

Caabudwaaq-RisaalaFM- Madaxweyne ku xigeenke maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey oo ku sugan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa waxa uu kulamo halkaasi kula qaatay Odayaasha deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, xilli magaaladaasi laga qaban qaabiyay maamul ka dhan ah maamulka Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa ku tilmaamay in aysan waxba ka jirin maamulka ka dhanka ah Galmudug.

Waxa uu sheegay in  Galmudug ay hoostagto degmada Caabudwaaq maamulka ka dhisana uu yahay mid hoostaga Galmudug.

Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa laga qaban qaabinayay maamul ka dhan ah maamulka Galmudug, balse Galmudug ayaa sheegtay in maamulkiisa uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin.