Bariire-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ay howlgal qorsheysan saakay ka fuliyeen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidamada Kumaandooska oo Diyaarado wata ayaa waxa ay ka dageen meel ku dhow deegaanka Bariire.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ururka Al-shabaab ayaa waxa uu dagaal ku dhexmaray deegaanka Bariire.
Cali Nuur oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka amaanka ayaa sheegay in ciidamada ay si qorsheysan u qaadeen weerarka oo ay Shabaab kula dagaalameen Bariire.
Intii uu socday dagaalka dhexmaray ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa gudaha deegaanka Bariire waxaa laga maqlay dhowr qarax oo aanan la ogeyn cida fulisay.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in deegaanka Bariire ay kula dagaalameen ciidamo Mareykan ah iyo kuwa AMISOM, ayna iska difaaceen.
Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waxa ay fulinaayeen howlgallo qorsheysan oo lagu bartilmaameedsanayay deeganada ay Al-shabaab ku sugan yihiin.


