Boosaaso-RisaalaFM- C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha maamulka Puntland waxa uu xilalkii ka qaaday Taliyeyaashii ka dambeeyey dhacdadii magaalada Boosaaso ka dhacday taas oo uu ku dhaawacmay Wasiirkii Amniga ee Puntland Cabdi Xirsi Qarjab.
Madaxweynaha ayaa xalay la kulmay saraakiisha ciidamada Amniga Puntland iyo Guddi gaar ah oo loo xilsaaray arrimahan, waxaana ay soo jeediyeen in xil ka qaadis lagu sameeyo Taliyeyaashan oo kala ah Jen, Cabdirisaaq Afgaduud oo Booliska xukumayey iyo Col, Cismaan Xassan Cuuke oo ahaa Taliyaha ciidamada Birmadka.
Labadan Taliye ee xilalka laga qaaday ayaa Ilaaladoodu ay ahaayeen kuwii bilaabay rasaastii ka dhacday saldhiga ciidamada Birmadka ee Puntland, halkaas oo ay ka socotay tiro koob lagu sameyn lahaa ciidamada amniga ee Puntland.
Warar soo baxay ayaa sheegaya in uu Guddigii howshan loo xilsaaray ay soo jeediyeen talooyin muhiim ah oo ay ka mid yihiin In talaabo kale oo dheeraad ah laga qaado labada sarkaal oo hadda xilalka laga qaaday.
HALKAAN HOOSE KA AKHRISO DIGREETADA UU SOO SAARAY MADAXWEYANA PUNTLAND




