Deg Deg: Ciidamada Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay Waajid

Waajid-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada amniga ee maamulka Koonfur Galbeed ay weerar ku qaadeen saldhig ay ururka Al-Shabaab ku sugnaayeen oo u dhow magaalada Waajid ee gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu geystaY khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray Labada dhinac ee halkaasi ku dagaalamay, waxaana ku dhimatay 9 halka ay ku dhaawacmeen 6 qof.

Weerarka ayaa ahaa mid qorsheysan oo ka dhan ahaa Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha amniga maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Taliye ku xigeenka ciidamada gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Caracas ayaa sheegay in dagaalka maanta ay ku qaadeen Al-shabaab uu ahaa mid ay horey u qorsheeyeen.