Afar Goolhaye ayaa ku tartami doona abaalmarinta horyaalka Ingiriiska laga bixiyo ee Barclays Golden Glove award,.
Abaalmarintan ayaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta axada ah oo ah maalinta ugu danbeysa kulamada horyaalka Ingiriiska ee xili ciyaareedkan.
Goolhayaha Manchester United David de Gea, kan Arsenal Petr Cech, Kasper Schmeichel oo uciyaara kooxda horyaalka haysata ee Leicester City iy goolhayaha Manchester City Joe Hart kuwaas oo dhamaantood haysta min 15 kulan oo aan wax gool ah laga dhalin.
Si kastaba, Qiimeyn la sameeyay ayaa lagu kala bixin doonaa cida noqon doonta goolhayaha uu wanaagsan xili ciyaareedan.


