Sool-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxayaan roobab dabeylo wata oo xalay ka Da’ay degmada Taleex ee gobolka Sool.
Waxaana la sheegayaa in ku dhowaad ay waxyeelo ka soo gaareen 10 ruux oo dhaawacyo halka Guryo badan ay dumiyeen roobabka.
Dadkii halkaasi ku dhaawacmay ayaa waxaa la geeyay isbitaalada ku yaalla magaalada.
Maamulka gobolka Sool ayaa waxa ay wadaan dadaalo wax loogu qabanayo dadka ay saameeyeen roobabkii xalay ka Da’ay degmada Taleex ee gobolka Sool.
Xaalada guud ee degmada Taleex ayaa saakay waxa ay tahay mid degan.


