DHAGEYSO: Maamulka Nugaal oo ganacsatada kala hadlay cabashooyin ku aadan sarifka lacagaha

Nugaal-RisaalaFM– Iyadoo maalmihii udambeeyay dadka ku nool gobolka Nugaal ee maamulka Puntland ay ka cabanayeen qiimo kororka ku yimid sarifka lacagaha qalaad ayaa waxaa maanta kulan wada qaatay maamulka gobolka Nugaal iyo sidoo kale dadka ka shaqeysta sarifka lacagaha.

Waxaana ay uga hadleen kulankooda sidii sarifka Lacagaha Qalaad qiimo la isku ogyahay looga dhigi lahaa, si aan loogu dhibaateyn dadka shacabka ah.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar C/laahi Faraweyne oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in cabashadii ay dadka ka qabeen qiimo kororka ku yimid sarifka ay kawada hadleen maamulka gobolka Nugaal iyo sarifleyda Nugaal,waxaana uu sheegay in arintaasi mardambe aysan soo laaban doonin

Maalmihii la soo dhaafay ayaa shacabka ku nool gobolka Nugaal waxa ay wadeen cabasho ku aadan qiima kororka ku yimid sarifka Lacagaha Qalaad ee deegaanada gobolka Nugaal.