DHAGEYSO: Xildhibaano ka tirsan Kenya oo gaaray Beydhabo

Beydhabo-RisaalaFM- Xildhibaano ka tirsan dowladda Kenya ayaa maanta waxa ay gaareen magaalada Beydhabo ee gobolka Baay.

Waxaana ay kulamo la qaateen madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Kulanka marka uu soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed, waxaana uu faah faahin ka bixiyay kulanka ay xildhibaanada dowladda Kenya la qaateen maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Labada dhinac ay kawada hadleen sidii ciidamada maamulka Koonfur Galbeed dib udhis loogu sameyn lahaa iyo arimo kale.

Siid Cali Muuse wariyaha magaalada Beydhabo inooga soo warama ayaan arimahaasi wax ka weydiinay.