Wararka naga soo gaaraya buuralayda Galgala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay Qarax khasaare geystay.
Wararka ayaa sheegaya in hal askari oo ka tirsan ciidanka puntland oo geeriyooday halka mid kalana uu dhaawac soo gaaraya.
Qaraxan ayaa haleelay labada askari xilli ay u lugaynayeen dhinaca magaaada Boosaaso. Xilliga qaraxu dhacay ayaa la sheegay inuu buurta ka da’yey roob.
Ururka Alshabaab ayaa sheegtay in ka dambeyeen qaraxii ka dhacay deegaanka Galgala ee gobolka Bari.


