Wararka naga soo gaaraya deegaanka Bali -busle oo hoos yimada degmada Jariiban ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaas ay ka taagan xiisad colaadeed oo u dhaxeysa dad xoolo dhaqataa oo wada dagan halkaas.
Xalay ayaa waxaa halkaas ka dhacay weerar xoogan oo la sheegay in waxyeelo kasoo gaartay ku dhawaad 4 qof oo ka mid ah maleeshiyaadkii weerarka isku qaaday.
Dadka ay waxyeeladu soo gaartay ayaa la sheegay in ay ku jiraan caruur sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka oo aan la hadalnay.
Maamulka Gobalka Mudug oo aan la xariirnay waxay sheegeen in ay warkaas maqleen, balse aysan ilaa hadda waxba faahfaahin dheeri ah aheynin.


