DHAGEYSO: Ilka Xanaf oo Aqbalay Go’aankii Madaxweynaha

Guddoomiyihii Hore Ee Maxkamadda Sare Ee Dalka Abuukaate Ceydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf ayaa Sheegay in uu Aqbalay Go’aankii Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka ugu qaaday .

 

Ilka xanaf oo xalay warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu  soo dhaweynayo gudoomiyaha  cusub ee loo magacabaay maxkamada Sare dalka mudane Ibaraahim Iidle Suleymaan.

Ilka Xanaf ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ,ra’iisulwasaaraha dalka iyo ra’iisulwaase ku xigeenka dalka Maxamed Cumar carte.