DHAGEYSO: Baarlamaanka oo Maanta Su’aalo weydiin Doono Ra’iisul Wasaaraha

Xilidhibaanada baarlamaanka dowladda Soomaaliya aya maanta lagu wadaa in ay su’aalo weydiiyaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu ka jawaabo su’aalo ay weydiin doonaan Xilidhibaanada dowladda Soomaaliya, kuwasoo ku aadan hanaanka doorashada dalka.

Maalmo ka hor ayaa loo qeybiyay xilidhibaanada dowladda Soomaaliya heshiiskii ay wada gaareen maamul gobleedyada dowladda dhexe sida ay u soo aqriyaan.

Kulanka baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay baaqday ka dib markii la fasaxay shaqaalaha dowladda .