DHAGEYSO: Hoobiyaal xalay lagu weeraray xarunta AMISOM

Wararka naga soo gaaraya xarunta AMISOM ee xalane  ayaa sheegaya in xalay halkaas lagu weeraray hoobiyaal gaaraya Shan hoobiye sida uu idaacadda Risaala u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa Risaala u sheegay in ay maqlayeen daryanka  madaaficda ku dhacay xarunta AMISOM.

Afhayeenka ciidanka AMISOM oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay jiraan madaafiicda xalay lagu weeraray xarunta AMISOM inkastoo uu beeniyey in tirada hoobiyaasha ay dhan yihiin shan.

“garan mayno meesha laga soo tuuray iyo cida soo tuurtay laakiin waxaan xaqiijinaya in ay ku soo dhaceen  xarunta 3 hoobiye”ayuu yiri Afhayeenka AMISOM.