DHAGEYSO: Puntland “amni darada Puntland ka dhaceysa waxaa geysta reer Koonfur”

Taliye ku xigeenka ciidanka boliiska maamulka Puntland C/qaadir Shire Faarax oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in falalka amni daro ee ka dhaca deegaanada Puntland ay ka dambeeyaan dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya.

Waxa uu sheegay sidoo kale taliyaha uu xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan ee ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya uu u sheegay in ay isweydiiyaan sababta ka dambeysa in dadka reer Koonfur ay qaraxyo ka geystaan deegaanada uu ka taliyo maamulka Puntland.

Waxaana uu ciidamada maamulka Puntland uu kula dar daarmay in ay ka shaqeeyaan amniga guud ayna soo qab qabtaan dadka falalka amni daro geysta.

Horey ayay aheyd markii xidlhibaano ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya ay shir ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxaana ay mas’uuliyiinta maamulka Puntland kaga dalbadeen in la joojiyo jirdilka iyo barakicinta lagu hayo dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya ee ku sugan deegaanada Puntland.