Wararkii ugu dambeeyay ee degmada Runirgood

Ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay la wareegeen degmada Runirgood oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhowr jiho oo degmadaasi ka tirsan ayay dagaal kaga soo qaadeen ciidanka dowladda Soomaaliyee ee ku sugan degmadaasi.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in goobta uu dagaal culus uu ka dhacay markii dambena ciidanka dowladda ay isaga baxeen degmada Al-shabaabna ay degmada la wareegeen.

Warar madax banaan oo aan heleyno ayaa sheegaya in Al-shabaab ay ku sugan yihiin degmada Runirgood.

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaalioya oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin dheeraad ah ka bixiyaan dagaalka.

Ururka Al-shabaab ayaa dhankooda sheegay in ay khasaare badan gaarsiiyeen ciidanka dowladda Soomaaliya.

Xaalada degmada Runirgood ayaa xaaladeeda waxa ay tahay mid kacsan maadaalama lagu dagaalamay, iyadoo dadka deegaanka ay soo wajahday cabsi badan.