Wasiir ka tirsan dowladda Soomaaliya oo xilka laga qaaday

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C.rashiid Cali  ayaa xilka ka qaaday wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta dowladda Soomaaliya.

Cumar C.rashiid Cali sharmaake ayaa xilka ka qaaday mudane Guuleed Xuseen oo ahaa wasiirka Boostada iyo isgarsiinta dowladda Soomaaliya,waxaana xilkaas loo magacaabay Maxamed Jaamac Mursal.

 

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya xalay kulan gaar ah la qaatay xubnaha golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya, kulankaasi oo ahaa mid si deg deg ah golaha wasiirada loogu wargeliyay.