DHAGEYSO: Dowladda oo qabatay sargaal ka tirsan Al-shabaab

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qabatay sargaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sargaal ay dowladda Soomaaliya qabatay ayaa lagu magacaabaa Xasan Fanax oo ka mid ahaa dadka madaxooda lacagta la dul dhigay.

Xasan Fanax ayaa waxaa lagu soo qabtay hawlgal laga sameeyay Degmada Kaxda Ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada nabad sugida dowladda soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waday howlgal balaaran oo lagu baadi goobaayo saraakiisha ka tirsan Al-shabaab.

 

Dowladda Soomaaliya  ayaa horay lacag u dhul dhigtay ninkaan la soo qabtay.