
Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa waxa ay weli dul meerreysaneysaa difaaca kooxda AS Roma ee Kostas Manolas.
Macallinka ku meel gaarka ah ee Man United, Ole Gunnar Solskjaer ayaana si aad ah ula dhacsan difaacan, waxaana uu doonayaa inuu kooxdan usoo gacan geliyo Manolas.
Wararka ka imaanaya gudaha Italy ayaa sheegaya in kooxda Red Devils ay u dirtay wakiillo magaalada Roma, si ay u dardar geliyaan lasoo saxiixashada xiddiggan marka la gaaro bisha January.
Difaaca reer Greece ayaa waxaa heshiiskiisa lagu jebin karaa qiimo dhan £32.5m, maadaama uu qanadaraaskiisa ku dhow yahay gabagabo.
Tutto Mercato Web ayaa sheegeysa in Manolas iyo Roma ay isku af garan waayeen in heshiis cusub uu qalinka dul dhigo, taasoo ka dhigan in United ay fursad fiican u heleyso lasoo saxiixashadiisa bisha soo aaddan.
Tan iyo xagaagii lasoo dhaafay, xilligii xukunka Jose Mourinho, waxaa jirtay xiddigo badan oo ka ciyaara difaaca kuwaas oo si aad ah loola xiriiriyay kooxda ku ciyaarta Old Trafford.


