Manchester City oo dhibaato xooggan kala kullantay suuqa kala iibsiga

Kooxda kubadda cagta ee Manchester City ayaa dhabar jab kale oo xooggan kala kullantay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha January.

Olympique Lyon ayaa dalabkii ugu horreeyay ee Man City kaga yimid isla markaasna ku aaddanaa Tanguy Ndombele iska soo diidday.

Majaladda The Times ayaa werrineysa in kooxda Premier League-ga difaacaneysa ay gudbisay dalab £45m ku kacayay, hase ahaatee, Lyon ayaa ku gacan seertay dalabkii koowaad ee kooxda Cityzens ka yimaada.

Kooxda reer France ayaa ciyaaryahankeeda ku qiimeysay ugu yaraan £60m, waxaana kooxda Macallin Pep Guardiola qasab ku ah in qiimahaas ay la diyaar noqoto, haddii ay doonayaan inay gacanta kusoo dhigaan.

Macallin Guardiola ayaa waxa uu doonayaa qadka dhexe inuu ciyaartoy cusub kusoo kordhiyo, si gaar ah inuu xoojiyo booska burburinta bisha January.

Keliya Fernandinho ayaa ay heysataa Sky Blue, marka la fiiriyo booska burbirinta, sidaas oo ay tahayna dhaawacyo ayaa soo gaaray, da’duna waxa ay tahay dhibaato kale oo hor taalla.

Sidaas darteed, waxa ay Manchester City dooneysaa lasoo saxiixashada Ndombele, kaasoo ay xiiseynayaan inta ugu badan kooxaha qaaradda Europe kuwooda awoodda badan.