Kooxda kubadda cagta ee Real Madrid ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay aad u xiiseyneyso saxiixa weerarka uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Mauro Icardi.
Kooxda reer Spain ayaa lagu soo warramayaa inay dooneyso in xiddiggan ay lasoo wareegaan bisha January ee soo aaddan.
Wargeyska Corriere dello Sport ayaa waxa uu ku warramayaa in Madrid ay diyaarineyso qorsho ay ku qancineyso kooxda kooxda reer Italy, waxaana ay ku qamaareysaa mid ka mid ah xiddigaheeda ugu muhiimsan.
Waxaa lagu soo warramayaa in Los Blancos ay bixin doonto lacago iyo Toni Kroos, si ay u hesho Captain-ka Nerazzuri, waxaana taasi ay noqoneysaa mid ay ku qanci karto kooxda Macallin Luciano Spalletti.
Inter ayaa hadda diyaar u noqoneysa inay miiska wada hadalka la fariisato kooxda Real Madrid, waxaana xusid mudan in kooxda Serie A-da ciyaarta ay qudheeda daneyneyso adeegga Kroos.
Real Madrid ayaa muddo fog bartilmaameed ka dhiganeysa laacibka reer Argentina, waxaana uu ka mid ahaa xiddigihii xagaaga lala xiriiriyay si ay beddel ugu noqdaan Cristiano Ronaldo oo Juventus ku biirray.



