Madaxweyne ku xigeenka maamulka Soomaaliyeed Puntland ayaa maanta xariga ka jaray dhismo cusub oo loogu talagay in ay ku shaqeyso wasaarada arimaha gudaha iyo dowladdaha hoose ee puntland.
Xafladda ayaa waxaa ka qeyb galay wasiir ka tirsan puntland oo ay ka mid yihin Wasiirka Arrimaha gudaha, ku-xigeenkiisa, Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha, ku-xigeenkiisa, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Agaasimayaal, shaqaalaha Wasaaraddaasi iyo dadweyne kale.
Goobta ayaa khudbado waxaa ka jeeday qaar ka mid wasiiradda maamulka puntland iyo dad weynihii kasoo qeyb galay.






