Xubno ka socda golaha ammaanka Qaramada Midoobe ayaa la filaya in ay booqasho ku yimadaan dalka Soomaaliya, si ay u arkaan isbadalada ay Soomaaliya sameysay.
Warar lagu kalsoonyahay oo ay saraakiil u dhashay Maraykanka ay u sheegeen wargeyska Inner City Press ayaa laga soo xigtay in wafdi QM in ay tagi doonaan dhowr dal oo kuyaala qaaradda Afrika.
Gudoomiyaha cusub oo lagu balansanyahay in uu xilka la wareego bisha fooda nagu soo haysa ee May ayaa la filaya in uu qeyb ka noqon doonaan wafdi QM ee imaan doonaan Soomaaliya.
xubnaha Golaha oo kulan looga hadlaayay Xaaladda Soomaaliya ku yeeshay magaalada New York dalka Maraykanka.
Guddoomiyaha cusub oo u dhashay dalka Masar ,waxa uu golaha u soo gudbiyay codsi ku aadan inay Golaha Ammaanka booqasho ku soo kala bixiyaan dalalka Somalia, Masar iyo dalka Eritrea inkastoo xubnaha qaar ay diidan yihiin booqashada Eritrea.
Xigasho: Inner City Press


