Wasaaradda arimaha gudaha dowladda Soomaaliya ayaa shir ugu furmay xubno kasocda wasaasiirada arimaha gudaha maamulada puntland, jubland, Galmudug iyo Koofur Galbeed Xubno Matalaya Gobalada Hiiraan,Sh.Dhexe iyo Banaadir oo aan wali laga hirgalin Nidaamka Federaalka ayaa ka furmay magaalada kismayo ee xarunta gobolka jubbada hoose,
Shirkii ayaa waxa hogaamin doonaan wasiir dowlaha wasaarada arimaha gudaha dowlada Cabdirashiid Xidig waxaana diirada lagu saari doonaan wada shaqeynta wasaaradaha maamulada iyo qobodo kale
Kulankan kii ka horeeyay waxaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho oo uu soconaya mudo ka badan Sadex Cisho waxaana ka qebgalay xubno ka socday maamul goboleedyada.


