DHAGEYSO: Ahlu Suna oo eedeeyn u jeedisay dowladda.

Ahlu Suna ayaa  ku eedeysay dowladu inay ka soo horjeedo nabada gobalada Dhexe, waxaana maamulku sheegay  in ay dowladda go’aan ka qaadan doonaan.

Sheikh maxamed shaakir oo  ah madexweynaha maamulka Alsuna ayaa sheegay in maamulka gobolada Dhexe uu tahay maamul ay doorteen dadka dagan gobolada dhexe, islamarkaana looga baahanyahay in ay taageeraan.

Madexweynaha maamulka Alsuna ayaa ku eedeeyay  dowladda Soomaaliya ay ka xuntahay nabada iyo hormarka ka jira gobolada dhexe.

Waxa uu sheegay in Alsuna aysan diidanayn in ay la hadasho Maamulka Galmudug iyo dowladda Soomaaliya.