Sababta Antoine Griezmann isaga diiday Barcelona

Antoine Griezmann ayaa shaaca ka qaaday qeyb kamid ah sababaha ugu weyn ee uu ku diiday inuu ku biiro kooxda Barcelona.

Antoine Griezmann ayaa qiray inay adkeyd inuu diido inuu u dhaqaaqo Barcelona, ​​laakiin waxa uu sheegay inuu dareemayay jacayl ay u qabto kooxdiisa Atletico Madrid.

Xiddiga Faransiiska ayaa si aad ah loola xiriirinayay kooxda heysata horyaalka La Liga ka hor Koobkii Adduunka, laakiin wuxuu shaaca ka qaaday bishii June inuu sii joogi doono Wanda Metropolitano.

Griezmann ayaa marar badan ka fakiray mustaqbalkiisa, iyadoo Barca la sheegay inay diyaar u aheyd inay bixiso lacag € 100million oo lagu burburin karay qandaraaskiisa.

Barcelona ayaa dooneysay in weeraryahanka lagu xoojiyo qeybta hore ee kooxda oo ay haatan ka ciyaaraan Lionel Messi, Luis Suarez iyo Ousmane Dembele.

Si kastaba ha ahaatee, 27 jirkaan ayaa kalsooni ku qaba inuu doortay go’aankii saxda ahaa, isagoo u sheegay ‘L’Equipe “halkaan Waa sida gurigayga oo kale.