Cristiano Ronaldo oo ka hanti badan 14 koox

Xiddiga kooxda Juventus Cristiano Ronaldo ayaa la fahamsan yahay inuu sanadkii mushaar ahaan u qaadan doono lacag 31 milyan oo euro, isagoo ka badan 14 kooxood oo Serie A ka dhisan.

Ronaldo ayaa noqday ciyaaryahankii ugu fiicnaa taariikhda kubada cagta Talyaaniga, kadib markii uu dhameystiray heshiis uu kaga soo wareegay kooxda Real Madrid.

wargeyska La Gazzetta dello Sport ayaa sheegay inuu helay afar jeer isku darka miisaaniyadda Mushaarka ay bixiso kooxda Empoli.

Xiddiga reer Portugal ayaa udhaqaaqay Serie A isagoo ah mid ka mid ah magacyada ugu weyn kubada cagta adduunka, xaalad la xiriirtay mushaharka waalida ah ee Juventus.

Heshiiska afarta sanno ee uu saxiixay Ronaldo xagaagan ayaa Juventus ku bixineysaa ku dhowaad 60 milyan oo ginni sannadkii, taasoo ka dhigan inuu ka sareeyo 14 ka mid ah 19ka koox kale ee ka dhisan Serie A.

Cristiano Ronaldo ayaa ka mushaar sareeya dhamaan daqliga ka baxa kooxaha Spal de Ferrara (€ 21m), Chievo Verona (€ 21m), Frosinone (€ 22m), Parma (€ 23m), Udinese (€ 26m), Atalanta (€) 27 milyan euro, Cagliari (€ 29m), Sassuolo (€ 30m), Bologna (€ 34m), Sampdoria (€ 36m), Fiorentina (€ 37m) iyo Torino (€ 43m).