England iyo Spain oo isku diyaarinaya kulankooda ugu horeeya tartanka UEFA Nations League caawa, iyadoo Northern Ireland, Iceland iyo Switzerland ay sidoo kale ciyaarayaan kulamadoodii ugu horeeeyay caawa.
England ayaa ciyaari doonta kulankooda ugu horeeya tan iyo markii ay gaareen semi-finalka Koobka Adduunka, iyagoo marti galinaya caawa xulka qaranka Spain kulanka ka dhacaya Wembley oo katirsan Group A qeybtiisa 4aad.
Spain ayaa soo gaartay wareega 16ka Koobkii Adduunka, inkastoo ay garaaceen xulkii marida loo ahaa ee Russia.
Kulanka caawa ayaa noqon doona kii ugu horeeyay ee tababare Luis Enrique hogaamiyo xulka qaranka Spain.
Marcos Alonso ayaa ka mid ah seddex ciyaaryahan oo Chelsea ah oo ka tirsan xulka Spain, laakiin goolhayaha Manchester United David de Gea ayaan la hubin booskiisa.
Waqooyiga Ireland waxay billaabayaan kulankooda ugu horeeya tartankaan cusub marka ay ku wajahaan Bosnia Group B qeybtiisa 3 aad oo ka dhacay Belfast.
Switzerland iyo Iceland waxay ku kulmayaan Group A qeybtiisa 2aad, iyadoo aan laga badinin Swiss tan iyo bishii May 2016kii.
Iceland waxa uu magcaabay tababare cusub ka dib markii Heimir Hallgrimsson oo Iceland meel fiican ka gaarsiiyay tartanka Euro 2016 lagu bedelay Erik Hamren.
“Higsigeygu waa inaan horumariyo xulkaan,” ayuu yiri Hamren u sheegay saxaafada. “Waxaan rajeyneynaa inaan waqti dheer lam qaato xulkeyga.
Kulamada kale ee caawa dhacaya ayaa waxaa isku arki doona Belarus v San Marino, Finland v Hungary, Estonia v Greece iyo Luxemburg v Moldova.
Dhamana kulamadaan ayaa la daawan doonaa saacada marka ay tahay 9:45 Pm caawa oo sabti ah.



