Talyaaniga ayaa dib ugu soo laabtay tartamada rasmiga ah, laakiin wuxuu barbaro 1-1 ah la galeen xulka Poland ciyaar ka tirsaneyd tartanka cusub ee Uefa nations League.
Jorginho ayaa dhaliyay goolksii ugu horeysay Talyaaniga oo uu hogaamiyay kulankii ugu horeeyay tababare Roberto Mancini.
Ciyaaryahanka khadka dhaxe ee Chelsea ayaa rigoore dhaliyay daqiiqadii 12 aad kulankii ka dhacay Bologna.
Robert Lewandowski ayaa shabaqa soo taabtay daqiiqadii 40aad ee ciyaarta markaasoo xulkiisa barbaro kusoo galeen Talyaaniga.
League B
Ruushka wuxuu ku guuleystay bilaabashadiisii ugu horeeyay tartankaan isagoo ku garaacay Turkiga 2-1.
Denis Cheryshev ayaa goolka hore dhaliyay kulankii ka dhacay magaalada Trabzon ka hor inta Serdar Aziz Turki u barbareyn.
laakiin Artem Dzyuba ayaa kubad madax aheyd ka dhaliyay Turki kadib markii uu baas cajiib ah kaga yimid Yuri Gazinski.
League C
Group C1: Albania 1-0 Israel
Daqiiqadii 55aad ee ciyaarta Taulant Xhaka ayaa goolka guusha u dhaliyey xulkiisa, taasoo keentay in Eran Zahavi uu ku bilowdo guul kulankiisii ugu horeeyay ee uu wajahay Israel.
Group C4: Lithuania 0-1 Serbia
Dušan Tadić ayaa dhaliyay goolka kaliya ee xulkiisa Serbia ku garaaceen Lithuania, wuxuuna ahaa rigoore.
Kooxda martida ah ayaa afar jeer birta garaacday, iyadoo laba kamid ah uu ku dhuftay Aleksandar Mitrović oo u ciyaara Fulham.
Group C4: Romania 0-0 Montenegro
Romania ma aysan awoodin inay gurigeeda ku badiso, kabtan Vlad Chirichesh ayaana seegay fursado fiican ka hor inta aan garoonka looga saarin dhaawac jilibka ah.
League D
Group D3: Azerbaijan 0-0 Kosovo
Kosovo ayaa ku guuleysatay sagaal kulan oo isku xiga, laakiin kulankii xalay ka dhacay magaaalada Baku ayaa barbaro lagu celiyay.
Gurban Gurbanov ayaa markii ugu horeysay isagoo tababare ah hogaamiyay xulkiisa tartan rasmi ah.
Group D: Qeybta3aad: Faroe Islands 3-1 Malta
Daqiiqadii 12aad ee qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa goolka guusha u dhaliyay jaziirada Faroe Islands Jóan Edmundsson ka dib markii René Joensen gool barbaro ah u halin Malta.
Michael Mifsud oo kulankiisii 41aad usaftay xulkisa Malta ayaa dhaliyay goolka saddexaad waqti dheeriga ah ee ciyaarta.



