Afar sano ayaa ka soo wareegatay markii Diyaaradaha aan cidna wadin ee Mareykanka duqeyn ay ku dileen Hoggaamiyihii Shabaab Axmed Cabdi Godane oo Shabaab ay u garanayeen Abuu Zubeyr.
Dilkiisa wuxuu dhacay maanta oo kale 1-dii Bishii September, sanadkii 2014-kii xilligaasi oo gaadiid uu saarnaa Abuu Zubeyr duqeyn xoogan lagula eegtay duleedka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabelllaha hoose.
Duqeyntaasi waxaa fuliyay Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo gantaal culus ku dhuftay gaarigii uu saarnaa Abuu Zubeyr iyo illaalo la socotay iyo darawalkiisa oo halkaasi ku dhintay.
Shabaab duqeyntaasi markii lagu dilay Abuu Zubeyr horay kama aysan shaacin geeridiisa, balse maalmo kadib waxa ay qirteen inuu duqeyn ku dhintay Abuu Zubeyr oo ahaa Hoggaamiyihii Shabaab ee mudada dheer gacanta birta ah ku soo hagaayay Shabaab.
Lix maalmood kadib Golaha Shuurada Shabaab waxa ay u fariisteen Shir ay isugu yimaadeen Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, halkaasi oo lagu go’aamiyay in Amiirka Shabaab loo magacaabo Axmed Diiriye, balse Shabaab u garanayaan Sheekh Abuu Cubeyda.



