Maamulka Soomaaliland ayaa jawaab kulul ka bixiyay qodobadii laga soo saaray Shirkii shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho ee la xiriiray doorashada Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliland C/laahi Cismaan Saxardiid oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in go’aannadaasi aysan khusaynin maamulka Somaliland.
Waxa uu sidoo kale sheegay Wasiirka in deegaanada maamulka Soomaaliland uusan ka dhaqan geli doonin qodobadaasi ka soo baxay shirkii Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.
Wasiirka Warfaafinta maamulka Soomaaliland ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in qodobada Soomaaliland quseeya ee shirka laga soo saaray ay jebinayaan heshiiskii horey u dhex maray Soomaaliland iyo dowladda federaalka Soomaaliya.


