Neymar oo Pogba ugu baaqay inuu xirto maaliyada Barcelona

Neymar ayaa shaaca ka qaaday inuu jeclaan lahaa inuu la ciyaaro maaalin uun ciyaaryahanka khadka dhexe ee Juventus Paul Pogba .

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee France,oo 23 jir ah, ayaa waxaa si xoogan loola xiriirinaayey inuu u dhaqaaqo Camp Nou ka hor xilli ciyaareedka 2015-16, lakiin ugu danbeyn kooxda heysata horyaalka Talyaaniga ayaa diiday in ay iibiso ciyaaryahanka.

Neymar ayaa la ciyaaray Pogba kulankii Champions League xilli ciyaareedkii hore labada koox ay ku kulmeen,waxana wax laga weydiiyay cida uu jeclaan lahaa inuu line-up kaga garab ciyaaaro, waxa uu u sheegay website-ga rasmiga ah ee La Liga “Paul Pogba – waa ciyaaryahan ku haboon inaan ka garab ciyaaro weliba kusoo biiro Barcelona.

“Waxa aan heysano ciyaartooy fantastic ah,sida Lionel Messi, iyo saaxiibkay ugu fiican kubada cagta Dani Alves.”

Neymar ayaa sidoo kale sheegay inuu jeclaan lahaa Pogbainuu xirto maaliyada Barcelona.