Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa faah faahin ka bixiyay sababaha dowladda mareykanka ay u hakisay kaalmadii ay siin jirtay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Ra’isal Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda mareykanka iyo dowladda federaalka Soomaaliya ay ku heshiiyeen in la hakiyo kaalmada ciidanka si loo saxo qaladaadka ka jira bixinta mushaarka iyo howlaha kale ee ciidanka.
Waxa uu beeniyay wararka sheegaya in dowladda mareykanka ay sababo la xiriira musuq maasuq u joojiyay kaalmada ay ciidamada dowladda siin jirtay.
Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka jawaabay su’aalo ay weydiiyeen qaar ka mid ah wariyaashii goobjooga ka ahaa shirkiisa jaraa id.
Su’aalaha ayaa la xiriiray cida sii bixineyso kaalmada ay jartay dowladda mareykanka iyo sababaha xilligaan loo hakiyay.



