Wararka naga soo gaaraya Magaalada Borama ee Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Ammaanka maamulka Somaliland ay weerar ku qaadeen guri uu ku sugnaa Fanaanka Nimcaan Hilaac oo ku yaalla Magaalada Borama.
Sida ay Risaala u xaqiijiyeen dadka degaanka fanaanka ayaa ciidamada waxa ay rabeen in ay xiraan.
Boqolaal ka mid ah dadka degaanka ayaa Difaacay Fanaanka , waxaana iska horimaad Khasaare geystay uu dhexmaray Ciidamada Ammaanka iyo sidoo kale dadkii Shacabka ahaa.
Fanaanka Nimcaan ayaa dhanka Jabuuti kasoo galay Magaalada Borama, waxaana la sheegay in ciidamada Ammaanka doonaayen in ay xiraan isaga iyo sidoo kale Aabihiis.
Somaliland ayaa inta badan xirta dad yimaada Koonfurta Soomaaliya, kuwaa soo kasoo horjeeda Gooni isku taagga Somaliland.



