Maamulka gobolka Mussori ayaa waxa ay sheegayaan in ku dhawaad 20 qof ay dhinteen ka dib markii dooni ay saarnaayeen oo dalxiis ay kula degtay halkaasi.
Dadka dhintay 9 ka mid ah waa kuwo hal qoys ka wada tirsanaa sidda ay sheegeen maamulka gobolka.
Guddoomiyaha Mussori ayaa warbaahinta u sheegay in Doonta ay ku degtay balliga Missouri iney ku dhinteen 20 qof oo dalxiisayaal ah 9 ka mid ahna ay yihiin kuwo hal qoys ka wada tirsanaa.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in dhacdo xanuun badan ay dhacday,islamarkaana ay dadkii soo badbaaday la dhigay Isbitaal.
Gudoomiye Michael Parson ayaa yiri “haweeneyda shilkaasi 9 ka mid ah ku weyday qoyskeeda ka koobnaa 11 qof,uma helayo erey aan ku cabbiro masiibada qoyskan soo gaartay”
Dhacdada noocan ah oo ay doon ku degtay balli ku dhintaan waxay dhacday 1999, xilligaasi oo ay 13 qof oo 3 carruu yihiin ay ku dhinteen doon ku degtay balliga Hamilton.