4 dal oo xiriirka u jaray dowladda Qadar

Waddamada Sucuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn ayaa xiriirka u jaray dalka Qadar.

Dalalkaasi ayaa waxa ay ku eedeeyeen in dowladda Qadar in ay taageerto Kooxaha Argagixisadda ah.

Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in laga hortago dalalka taageera Kooxaha Argagixisadda ah, islamarkaana marar badan ay digniin u dirtay dowlada Qadar.

Sidoo kale dalalkaasi ayaa dowladda Qadar ku eedeeyay in faragelin ay ku sameysay Qaar ka mid ah dalalkaasi.

Dowladda Sucuudiga ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in guud ahaan ay ka xiratay xuduudaheeda dowladda Qadar.