Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre & Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaarey magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo si weyn loogusoo dhaweeyey.
Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa si weyn Garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xusee, kuxigeenkiisa, qeybaha kala duwan ee bulshada masuuliyiin ka tirsan Dowlada federaalka iyo saraakiil ciidan
Safarkaan oo ah kii ugu horeeyay ee Ra’iisal wasaaraha ku baxayo tan iyo markii xilka loo magacaabay ayaa ujeedkiisa waxaa uu yahay, sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo deeegaano badan oo gobolka Hiiraan ka socda.
Sidoo kale Ra’iisal wasaaraha ayaa xoojin doona ka warqabka xaalada nololeed ee bulshada ku nool gobolka Hiiraan, oo ay aabaarta saameysay, iyada oo Xukuumada sheegtay in ay xoogga saareyso sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaaraha ay saameeyeen.



