Maxay tahay sababta uu u baaqday Kulankii Maanta ee Golaha Shacabka?

Maanta ayaa qorsuhu ahaa in Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ay yeeshaan kulankoodii caadiga ahaa, balse uu baaqday sababo la xiriira kooram la’aan kadib markii ay soo xaadiri waayeen Xildhibaannada.

Kulanka Maanta ayaa waxaa Ajandihiisu ahaa Akhrinta Xeer hoosaadka Golaha Shacabka sida ay horay guddoonka Golaha Shacabka ugu wargeliyeen Xildhibaannada & dhaarinta Xubno kamid noqonaya Guddiga Arrimaha Dastuurka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa sheegay in Xildhibaanada badankood ay safaro ku maqanyihiin sidaasna uu ku baaqday Kulanka Golaha Shacabka, isaga oo ugu baaqay inay Xildhibaannada dalka dibaddiisa ku maqan dalka dib ugu soo laabtaan.

Sidoo kale guddoomiyaha Golaha Shacabka wuxuu sheegay in Kulanka Maanta ka baaqday Xildhibaannada ay isusu imaan doonaan 12-ka Bishaan June, si ay u akhriyaan Xeer hoosaadka baarlamaanka sidoo kalena loogu dhaariyo laba kamid ah Guddiga Arrimaha Dastuurka.

Qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in kulamadii ugu horreeyay ee Baarlamaanka ay baaqdaan, iyada oo ay jiraan Xildhibaano kucusub Baarlamaanka oo loo baahnaa inay yimaadaan.

Xildhibaannada ayaa u kala aragti duwanaaday baaqashada Kulankii Maanta ee Golaha Shacabka, waxaana badi ay sheegeen in Guddoonka looga baahan yahay inay arrintaasi waxka qabto.

Dhowr jeer oo hore ayay sidaan oo kale u baaqdeen kulamadii Baarlamaankii 10aad, waxaana inta badan Xildhibaannada ay kulamada soo xaadiraan markii ay jiraan arrimo xasaasi ah ama doorasho.