Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyadka macawuusleeyda oo dhinac ah iyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ku dhexmaray degaanka Booco oo dhaca 40-KM dhanka Koonfureed Magaalada Beledweyne.
Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii sida la sheegay maleeshiyadka macawiisleyda ay weerareen Goob Makamad u aheyd Al-Shabaab oo dadka ay lacag uga qaadi jireen.
Dagaalka oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa weerarka kadib waxaa ku biiray Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo u gurmaday maleeshiyaadka macawiisleyda ah, waxaana la sheegay in dagaalka ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen in ka badan 5 Ruux oo labada dhinac ah.
Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay in la arkayay Gaadiid dagaal oo ay leeyihiin Ciidanka Dowladda oo kusi qul qulayay degaanka uu dagaalka ka dhacay, halkaas oo siweyn ugu xoogan yihiin Ururka Al-Shabaab.
Laamaha Amniga Gobolka Hiiraan ayaan weli ka hadlin dagaalka, hayeeshee inta badan degaannada Gobolka Hiiraan ayaa waxaa markasta ka dhaca dagaallada u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.