DEG DEG:- Qarax goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qaraxa oo Miinada Dhulka lagu Aaso ayaa goordhow waxaa uu ka dhacay Agagaarka Aargada Degmada deeyniile, waxaana lala beegsaday Gaari ay wateen Cidamo katirsan Millateriga Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa Risaala u sheegay in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo Askarta kasoo gaaray qaraxa kadib markii uu qabsaday gaari Prado ah oo ay wateen.

Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo xiray waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Aaga halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana dadka ku dhaawacmay loo qaaday mid kamid ah isbitaallada magaalada muqdisho.

Wararka kusoo korda kala socda www.radiorisaala.com