Ciidamada dowladda oo kala dhex galay Maleeshiyaad is hor-fadhiyay

Ciidamada Nabadsugida iyo Booliska Degmada Doolow Soomaaliya  ee Gobolka Gedo ayaa kala dhaxgalay muran dhul beereed oo u dhaxeeyey mlaaehiyaad ay wateen qaar ka mid beeralayda jiinka Wabiga Jubba, kuwaas oo ku dhawaa inay dagaalamaan.

Taliyaha Nabadsugida Degmada Doolow Ibraahim Hilowle Xuseen iyo sarakiisha kale ayaa faray cid kasto oo sheegaynayso lahaanshaha dhul beereed uu aadi karo saldhiga booliska ama Maxkamada Shareecada si loo dhameeyo wixii jira.

Dadka beereyda ah ee diyaarasada labada meeshiyo Beeleed ayaa dhankooda looga mahad celiyay aida ay u ajiibeen i ay ogolaadaan in la kala dhexgalo si uusan u dhicin dagaal dhexdooda ah.

Maalmihii ugu danbeeyey ayaa waxaa isa soo tarayey isqab qabsiga dhinaca dhul beereedka ah gaar ahaan deegaanada jiinka Wabiga Jubba isla maarkaana hoos yimaada Degmada Doolow.