SAWIRO: Kulan Muqdisho uga socda Midowga Musharaxiinta iyo Ra’iisulwasaare Rooble

Midowga Musharraxiinta ayaa shir la leh maanta Raysal wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble.

Shirkaan ayaa looga hadlayaa dardar gelinta geeddi socodka, toosinta iyo dhammeystirka doorashooyinka dalka.

Madaxweynayaashii hore ee dalka , Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa qeyb ka ah xubnaha ka qeyb galaya kulankaan waxaana lagu waddaa in laga soo saaro war looga hadlayo waxyaabihii diirada lagu saaray kulanka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona qeybaha bulshada oo ay ugu horreeyaan Ururada Bulshada Rayidka si uu dhageysto talooyinkooda ka hor shirka Golaha Wada tashiga Qaran.

May be an image of 7 people, people standing and indoor

May be an image of 1 person and suit

May be an image of 1 person, sitting and indoor

May be an image of 3 people, people sitting and people standing