Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo isku dhiibay laamaha Amniga Hir-Shabeelle

Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Al-shabaab  ayaa waxaa.la sheegay in uu isku soo dhiibay laamaha amniga maamul goboledka Hir-Shabeelle.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Hir-Shabeellebayaa sheegay in Sarkaalka lagu magacaabo Xasan Axmed Maxamuud, balse Al-Shabaab dhexdooda uga hawlgeli jiray sida, uu sheegay magaca Xasan dheere.

Afheenka Booliska Maamul Gobaleedka Hir-Shabeelle Diini Rooble Axmed ayaa ugu baaqay dhalinyarada ka tirsan Al-Shabaab in ay isaga soo baxaan.