Taliska Guud ee Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ugu baaqay hoggaanka Ahlusunna gaar ahaan Macalin Maxamuud & Sheekh Shaakir in ay joojiyaan abaabulka dagaal oo ay ka wadaan degaanka Huurshe oo ay ku sugan yihiin.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in hogganka ahlusunna ee degaanka Huurshe soo gaaray 12-kii Bishaan ay bilaabeen abaabul iyo kicin dagaal , iyaga oo iska dhigaya kuwo u yimid Siyaarada Sheekh Yuusuf Direed, isla markaana ay kasoo horjeedaan horumarka iyo Amniga.
“ Taliska wuxuu uga digayaa Culimada aan magacyadoda korku soo xusnay inay joojiyaan ababulka iyo Colaada ay ka hurinayaan degaannada Galmudug gaar ahaan Gobolka Galgaduud ayaa lagu yiri” Qoraalka taliska Booliska Galmudug.
Sidoo kale Taliska Booliska Galmudug ayaa faray sarakiisha iyo Ciidamada qeybahooda kala duwan ee ku sugan degaanka Huurshe in ay xeryohooda dib ugu soo laabtaan muddo 24 saac gudahood oo aysan qayb ka noqon abaabulkaasi, iyaga oo wata dajaada iyo dareyska Ciidan, isla markaana cidii u hoggansami weysa laga qaadi doono tallaabo sharci ah.
“ Waxaan u sheegaynaa shacabka, ganacsatada, siyaasiyiinta iyo qof walba oo ku howlan gacan siinta kuwa ka shaqeynaya colaadda Iyo duminta Maamul Goboleedka Galmudug in ay faraha kala baxaan abaabulka iyo kicinta dadweynaha, ogaadaanna in ay tahay fal-danbiyeed, taliska ciidanka Booliskuna uu la socdo dhaqdhaqaaqooda, waxaana sidoo kale baaq u direynaa waalidiinta caruurtooda loo adeegsanaayo hurinta xiisadaha colaadeed iyo dhibaateynta dadka shacabka ah oo abaarta la ildaran oo si aysan raali ka ahayn deegaanadooda ay u soo kor dageen ragga hurinaaya dhibaatada in ay ka ceshadaan caruurtooda ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay taliska Booliska Galmudug.
Warkan kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Galmudug ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalmihii la soo dhaafay aad loo hadal haayay in hoggaanka Ahlusunna degaanka Huurshe ka wadaan abaabul dagaal oo ka dhan ah Maamulka Galmudug.